Cumar Carte Qaalib Waa Ninkii Diiday Inu u sujuudo Xeyle Salaase

0
78

 

Cumar Carte Qaalib waxa uu muddo dheer ahaa Safiirkii Soomaaliya ee dalka Itoobiya.

Danjire Cabdullaahi Axmed Adan Congo, oo qunsulka Itoobiya ahaa markii uu safiirka ahaa Cumar Carte, ayaa  sheegay in marxuumka uu shaqooyin badan usoo qabtay qaranka Soomaaliya.

“CumarCarte  wuxuu ahaa nin ku dhaggan waddaniyaddiisa iyo muslimnimadiisa labadaba, wuxuuna ahaa ninka Kaliya  ee laga yaabo qaddiyadda Soomaaliyeed u diyaar ah isagoo laga yaabo in lagu toogto, oo aan ka baqanin,” ayuu yiri Danjire Cabdullaahi Congo.

Sidoo kale, wuxuu sharraxayaa sida uu u wajahay boqorkii Itoobiya, xilligii uu safiirka ahaa.

“Waa kii aan la shaqeynaayay ee aan qunsulka ugu ahaa Itoobiya, wuxuu Cumar Carte  u babac dhigay dowladda Itoobiya isagoo kaligiis  ah. Waa ninka Kaliya ee diiday inuu u sujuudo Xeyla Salaase. Marka uu Danjire walba qaabilayo waa inuu saddex jeer u sujuudaa oo markaasna uu dib u noqdo, laakiin Cumar carte wuxuu yiri, ‘taasi ma dhaceyso, anigu Allaah waxaan ahayn u sujuudi maayo’, sidaasoo kale ayuu qaddiyadda Soomaalinimada ugu adkaa.”

Sida uu Cabdullaahi Congo sheegay, Cumar Carte Qaalib wuxuu ahaa ku xigeenka madaxa gobolka markii uu Waqooyiga Soomaaliya heystay gumeystihii Ingiriiska.

“Markii Waddanka la isku daray wuxuu noqday safiirka Addis Ababa, muddo dheer ayuu ahaa safiirka, kaddibna wuxuu wasiirka Arrimaha Dibadda ka noqday dowladdii Maxamed Siyaad Barre, xilkaasna muddo dheer ayuu hayay. Markii dambe ee ay Soomaalida kala daadatayna waa kii ka dhoofay waddanka.”

Hase yeeshee inta uusan dibadda aadin ka hor waxa uu xil siyaasadeed uga tartamay dhinaca Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, sida uu sheegayo Cabdullaahi Congo.

“Burburkii kaddib inta uusan waddanka ka dhoofin wuxuu isu sharraxay madaxweynenimada Somaliland, laakiin waxaa ka helay ina Cigaal, intaas kaddibna wuxuu iska tagay Sacuudiga.”

, wax yaabihii ugu waa weynaa ee lagu xasuusan jiray Cumar Carte Qaalib waxaa ka mid ah inuu aftahan ahaa, dalalka Carabtuna ay si weyn u qaddarin jireen.

Wuxuu door muhiim ah ka qaatay dadaalkii ay Soomaaliya ugu biirtay Ururka Jaamacadda Carabta.

Magaalada Hargeysa ayaa Khamiista lagu aasi doonaa Cumar Carte, sida uu  Sheegay afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here