Maamulka Jaamacadda Manchester shaqada ka joojiyay askar ka tirsan ilaaladooda oo lagu eedeeyay “inay cunsurinnimo kula dhaqmeen” arday.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii baraha bulshada lasoo galiyay muuqaal laga arkayo Zac Aadan – oo ah arday dhigta sanadka koowaad – oo darbi wajiga loo saaray kaddibna ay ilaalada weydiinayaan inuu soo bixiyo shaqrcigiisa aqoonsiga.
Aadan ayaa sheegay in lagu eedeeyay inuu yahay “qof u eg dadka daroogada ka ganacsada”, isagoo arrintaasna mas’uuliyaddeeda siiyay howl-wadeennada dhismaha Fallowfield ee jaamacadda.
Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay inay hadda baadhayaan “dhacdadaas halista ah”.
“Si aad ah ayaan uga walaacnay muuqaallada la shaaciyay,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay maamulka Jaamacadda.
“Waan la hadalnay ardayda ay arrintan ku dhacday, waxaan billowday baaritaan buuxa, waxaana shaqada ka joojinnay ilaaladii ku lugta lahayd dhacdadaas, haddana waxaa la sugayaa natiijada baadhitaanka.”
Aadan oo heysta dhalashada Faransiiska ayey waalidiintiisa kasoo jeedaan Soomaaliya, sida uu BBC-da ugu sheegay wareysi gaar ah oo aysan helin warbaahinta kale.
“Waalidiinteyda waxay qaxooti ahaan uga imaadeen Soomaaliya, wax walbana waxay u sameeyeen si aan wax uga barto jaamacaddan awgeed,” ayuu yidhi.
Wuxuu intaas ku daray in uu yahay qofkii ugu horreeyay ee qoyskiisa ka tirsan oo Jaamacad wax ka barta.
“Waxaan ahay qofkii ugu horreeyay ee qoyskeyga u aada Jaamacad, sidaas awdeed waxay ii tahay guul aan gaadhay – laakiin marka ay reerkeyga maqeen in waxyaabahan oo kale ay dhaceen, waalidkeyga waxay hadda iga baryayaan inaan guriga dib ugu soo laabto.
Arrinta ku dhacday ayuu sheegay in ay tahay mid aan ku habbooneyn ardayda isagoo kale ah, tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyayna uu dhibaatooyin dhinaca nolosha ah dareemayay.
“Waa wax laga yaqyaqsoodo, hurdo la’aan ayaa igu dhacday. Waxaan argagax ka qaaday xaaladdaas,” ayuu yidhi. “Waxaan aaminsanahay in tani ay tusaale u tahay cunsuriyadda, waxayna dhaawaceysaa horumarka ardayda.”