Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo lagu dhaariyay Baydhabo

0
431

 

 

Munaasabadan kooban ee lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa ahayd mid lagu Dhaarinayey Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Shekh Maxamed Nuur (Siidi) oo Shalay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen u magacaabay Xilka Gudoomiyenimo ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Munaasabada oo lagu qabtay Xafiiska Madaxweynaha Waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Cali Saciid Fiqi, Gudoomiyaha Maxkamada Sare Koonfur Galbeed Axmed Cali Muuse, waxaana Munaasabada ugu Horeyn Gudoomiyaha Maxkamada Sare Axmed Cali Muusa ku dhaariyey Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose .

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo khudbad Dardaaran ah ka jeediyey Munaasabada Dhaarinta ayaa tilmaamay howlaha horyaala Gudoomiyaha iyo Dadaalada Dowlada ay ku bixisay Dib Uxureynta Gobolka Hirgelinta Mashaariic Hormarineed iyo Baahinta adeegyada Bulshada, Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa sidoo kale Xusay in ka Maamul ahaan ay taageri doonan Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here