Shil Khasaaro Dhimasho Iyo Dhaawac Geystay oo ka dhacay Gobolka Nugaal

0
346

Silkan gaari oo sabab ay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu ka dhacay Xalay xilligii dambe degaanka Dangoroyo ee Gobolka Nugaal, oo qiyaastii 114km dhanka bari kaga beegan Magaalada Garoowe.

Shilka ayaa waxaa uu yimid, kaddib markii uu rogmaday Gaari nooca raaxada ah xilli uu marayay agagaarka degaanka Dangoroyo, waxaana shilkaais ku dhintay laba Rag ah halka uu ku dhaawacmay hal ruux,waxaana dhamaantood ay ahaayeen dadkii gaariga saarnaa.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in labada ruux ee shilka ku geeriyootay uu kamid ahaa sakari ka tirsanaa Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo lagu Magacaabi jiray magaciisu ahaa Cabdulqaadir Xoreeye Gamboon, halka marxuumka kale oo lagu magacaabi jiray Maxamed Shiine Birjeeb uu ahaa qof Shacab ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ilaalada wadooyinka Puntland ayaa goobta gaaray, kuwaas oo gurmad u sameeyay dadka ku waxyeeloobvay Shilkaasi gaari.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here