Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Ganacsatada ku nool Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa uu uga digay inay ka qeyb qaataan nafaad darrada ka jirta Magaalada, xilli maamulka gobolka Banaadir uu sheegay in uu wado qorsho dib loogu soo celinayo bilicda Caasimadda.
Agaasimaha Nadaafadda gobolka Banaadir Sharmaake Cadow ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay wadaaan sidii loogu guuleysan lahaa in Magaalada Muqdisho ay noqoto mid nadaafadeeda ay hagaagsan tahay,balse ay jiraan dad caqabad ku ah Shaqadooda.
Waxaa uu sheegay in Ganacsatada qaarkood ee Magaalada Muqdisho ay wadooyinka ku daadiyaan Qashin farabadan taas oo bilicda wax u dhimeysa, waxaana uu sheegay in qofkii lagu arkaa uu muteysan karo xarig & ganaac lacageed.
Magaalada Muqdisho wadooyin farabadan oo ku yaalla ayaa waxaa xilligaan ka jirta nadaafad darro baahsan, waxaana ugu daran waqtiyada uu roobka yimaado, iyada oo Biyaha Roobka ay jaraan wadooyin badan oo ku yaalla Caasimadda maadaama aysan laheyn bulaacado Biyaha qaada.