Maamulka Degmada Warsheekh oo Ka Hadlay Khasaaraha uu Geystay Deegaanadii Lagu Dagaalamay

0
416

 

 

Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Muxudiin Maxamed Maalin ayaa ka hadlay dagaal beeleed kooban oo saakay ka dhacay deegaan hoostega degmadaas.

Guddoomiye Muxudiin Maxamed oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dagaalkaas uu dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo wallaalo ah, kaasi oo ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Xawaalo Odayaal oo 25-KM u jira Warsheekh.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in dagaalka uu salka ku haayay arrimo la xiriira dhul laga shidayay Dhuxul, isla markaana maleeshiyaad isku qabsadeen, sidaasina ay rasaasta ku bilaabatay, wallow markii dambe dagaalka uu is iskiis u istaagay.

Sidoo kale Guddoomiye Muxudiin Maxamed ayaa xaqiijiyay in hal qof uu ku geeriyooday, mid kalena uu ku dhaawacmay dagaalkii dhacay, waxaana haatan xaaladda ay tahay mid deg, dhinacyadii dagaalamayna ay ku kala tageen halkaas.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Warsheekh ayuu tilmaamay in Odayaal iyo Waxgarad ay ku baxeen Colaada soo cusboonaatay, isla markaana la doonayo in xal laga gaaro wax kasta oo ay dhinacyada isku heystaan, laguna dhameeyo wada-hadal.

Guddoomiye Muxudiin Maxamed ayaa caddeeyay in Maamulka degmada Warsheekh uusan raali ka noqon doonin dilalka la xiriira aanooyinka qabiil iyo dagaal beeleedyada sopo laab-laabtay, wuxuuna Carabka ku dhuftay in Maamulka uu wado dadaadlo kala duwan oo lagu xaliyo dagaal beeleedyadaas.

8-dii Bishaan ayay aheyd markii deegaanka Xalluule ee duleedka Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe rag hubeysan ay ku dileen Hooyo iyo laba caruur ah oo dhashay, iyadoona falkaas uu ahaa mid la xiriiray aano qabiil oo weli aan lagu guuleysan in xal laga gaaro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here