Hay’adda Sirdoonka Qaranka Itoobiya ee JDFI ayaa sheegtay in howlgallo ay sameeyeen ay suurtagashay inay Gacanta ku dhigaan 12 Xibnood oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Urrurada Al-Shabaab & Daacish ee ka dalgaalama Soomaaliya.
War kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ee NISS ayaa waxaa lagu sheegay in muddo ay baadi-goob ku hayen raggaan ay qabteen, isla markaana qabashadooda ay gacan weyn ka siiyeen dadka Shacabka ah.
Sidoo kale Hay’addu waxaa ay sheegtay in dadaal wadajir ah weli wadaan Ciidamada Hay’adeda Sirdoonka Itoobiya iyo Bulshada si gacanta loogu soo dhigo Xubno kale oo ay ku raad-jogaan, waxaana loogu baaqay Bulshada inay Ciidamada la Shaqeeyaan.
Ragga la qabtay oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab & Daacish oo Sawiradooda la soo bandhigay ayaa waxaa Hay’adda Sirdoonka Qaranka Itoobiya ee JDFI ay Magacyadooda ku kala sheegtay.
1:-Fu’ad Shaafi Khadiir
2:-iimaan Asafa(Faaruuq Ismaaciil)
3:-abdijabar Abdalla Ibraahim.
4:-Siciid Mustafa Ibraahim.
5:-Mascuud Gabayaahu.
6:- Tafare Tashome(Idiris).
7:-Abdirahman Adan Abubakar.
8:- Mukhtaar Gaab.
9:- Jaamac Diiriye Abdi.
10:- Sh Ahmed Nuur Maxamed Osmaan.
11:-Abdul Abdi Jamal.
12:- Cumar Ridwaan muhaadi.
Howlgalkan ay toobiya ku qabatay ubno lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab & Daacish ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ciidamada Federaalka Itoobiya ay dagaal kula jiraan ururka TPLF oo ka arrimiya Gobolka Tigreega ee Waqooyiga dalka Itoobiya.