Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle

0
409

 

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay doorashadii maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeelle.

Xasan Sheekh ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Madaxweyne ku xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Qoraal uu soo saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya haddana ah Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu bogaadinayo Hir-shabeelada Cusub.

“Hambalyo madaxweynaha la doortay ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Madaxweyne ku xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Waxaan bogaadinayaa dadaalka ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadu ku bixiyeen dhismaha maamulka”Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo howlaha loo idmaday, aniga oo ku baaqaya in la garab istaago maamulka cusub, si ay u xaqiijiyaan rajada shacabka” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here