Cali Guudlaawe oo loo doortay Madaxweynaha Hirshabeelle

0
342

Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa ayaa ka dhacday Magalaada Jowhar , iyadoo si weyn loo adkeeyay Ammaanka Xaafaddaha ay ka dhaceyso doorashada.

Doorashadaan oo aheyd mid ugu xiisaha yareyd dhammaan doorashooyinkii maamul goboleedyada waxaa Madaxweynaha ku tartamay  Cali Guudlaawe Xuseen iyo  C/raxmaan Jimcaale Cismaan.

Waxaa ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Cali Guudlaawe ayaa ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Afartii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa uu sidoo kale horay u soo noqday Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here