Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta khudbado jeedinaya

0
411

 

 

Magaalada Jowhar ayaa lagu waddaa in maanta ay khudbad jeediyaan musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Waxaa sidoo kale khudbad jeedin doona Musharaxiinta xilka Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle.

Maalinta berri ayaa lagu waddaa in Jowhar ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ku xigeenkiisa.

Xilka Madaxweynaha waxaa u taagan Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo afartii sano ee lasoo dhaafay Hirshabeelle madaxweyne ku xigeen ka ahaa.

Halka Madaxweyne ku xigeenka uu taagan tahay gudoomiyihii hore ee Hiiraan Yuusuf dabagadeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here