Wabar Maxamed Wali Wabar Xuseen oo Ah Wabarka Beesha Hiliibi Daarandoole Ayaa Si Kulul U Cambaareeyay Falkii Foosha Xumaa ee Kadhacay Deeegaanka Xalluule oo Kamid Ah Deegaanada Hoostaga Degmada Warshiiq Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe Kaa oo Xasuuq Ba’an Loogu Geystay Hooyo Mudo Kooban Umul Kujirtay Iyo Caruur Yar Yar oo Ay Dhashay
Wabar Maxamed Weli Wabar Xuseen oo Bartiisa Facebooka Soo Dhigay Qoraal Kooban Ayaa Waxa Uu Kubaaqay In Xal Waara Laga Gaaro Coilaadahan Soo Lnoqnoqday ee Salka Kuhaya Anooyin Qabiil.
“”Anigoo ah Wabarka beesha Hillibi Daarandoolle Wabar Maxamed wali wabar Xuseen waxaan Halkaan Baaq uga Dirayaa Beelaha Balaalaha Walaalaha Ah ee Dirirta Kudhex Mareeyso G/shabeelaha Dhexe Gaar Ahaan Degmada Warshiikh iyo Tuulooyinka kuxeeran in ay sida ugu Dhaqsiyaha Badan Ay Ujoojiyaan Dagaalka Maxaayeelay Dagaal Wiilbaa kudhinto Wiilse kuma dhasho,Sidoo kale waxaan Tacsi tiiraanyo Leh Udiriyaa Dadkii kugeeriyooday Deegaanadaasi Sidoo kalena
waxaan Halkaan Fariin Ugu Dirayaa Duubabka Mudulood, Hadii Aynu nahay Duubabka Mudulood ma Ahan In Xaladaha kajira Deegaanada G/shabeelaha Dhexe aan ugu Gaabsano Baaq iyo Tacsiyadeen oo kaliya Balse Aan u Astaagnaa Ficil Ahaan Iyo in Aan Sidhab Ah Udhex Dhignaa Nabad Waarta’’