Musharax Madaxweyne Cali Guudlaawe oo cambaareeyay Falkii ka dhacay Warsheekh

0
465

Sii Hayaha Xilka Madaxweyne Kuxigeenka ahna Musharax Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa cambaareeyay falkii waxashnimada ee xalay ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Warsheekh, halkaasoo maleeshiyo hubeysan ay ku dileen hooyo iyo labo carruur ay dhashay, wuxuuna ugu baaqay Maamulka degmada, Odayaasha, iyo Culimaa’udiinka inay arrintaas u istaagaan ka hortaggeeda iyo xalinteeda.

Musharax Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska iyo eheladii ay ka baxeen dadkii sida arxan darrada ah loo dilay.

“Waxay aheyd fal arxandaro ah oo dad birimigeydo lagu dilay, hooyo carruurteeda oo gurigooda jooga in lagu weeraro waa dhaqan ka fog Islaamka, waa in kuwii falkaas ka dambeeyay sharciga la horkeena”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Sidoo kale Ciidamada Amniga ayuu ugu baaqay inay si degdeg ah ugu baxaan deegaanka ay ka dhacday dhibaatadaas, kooxihii ka dambeeya gacanta lagu soo dhigo, si sharciga loo horkeeno.

Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ku soo now noqday Colorado salka ku hayay aanooyin qabiil oo u dhaxeeyay maleeshiyo beeleedyo, wapxaana dagaaladaas ku dhintay dad rayid ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here