Joe Biden oo Laalaya Amaradii Trump uu Hoaray Usoo Rogay

0
185

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, Joe Biden, ayaa la dagaalanka cudurka Covid-19 ka dhiganaya muhiimadda koowaad ee maamulkiisa kaddib markii uu doorashadii dhawaan dhacday kaga adkaaday Donald Trump.

 

Biden ayaa doonaya in shacabka Mareykanka dhammaan laga baaro fayraska koroona isla markaana af-saabidda laga dhigo mid khasab ah.

Arrimaha kale ee Biden u qorsheysan waxaa ka mid ah, dardargelinta kobaca dhaqaale ee Mareykanka, latacaalidda cunsuriyadda iyo arrinta isbadalka cimilada adduunka.

 

Madaxweyne Trump ayaa ilaa hadda diidan in uu ogolaado in laga guuleystay, waxa uuna ku adkeysanayaa in doorashadaasi uu isaga ku guuleystay balse gobollada qaar ay ka dhaceen khaladaad dhanka doorashada ahi.

 

Haseyeeshee xisbiga Dimuquraadiga ayaa hadda ku hawlan qorshihii ay xukunka dalka kula wareegi lahaayeen 20-ka bisha Janaayo ee sanadka dambe.

Qorsheyaashaasi waxaa ka mid ah in la diyaariyo dhawr wareegto oo madaxweyne oo aan u baahnayn ansixinta labada aqal ee baarlamqaanka dalkaasi, kuwaa oo looga gol-leeyahay in lagu laalo dhammaan amarradii uu Trump horey u soo rogay.

Tallaabooyinka u qorsheysan waxaa ka mid ah;

  • In Mareykanka uu dib ugu biro heshiiskii isbadalka cimalada adduunka ee Paris oo dowladda Mareykanka ay arbacadii la soo dhaafay rasmiyan uga baxday
  • In uu laalo go’aankii Trump uu Mareykanka kaga saaray hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO
  • In uu qaado dhammaan xayiraadihii Trump uu ku soo rogay muwaadiniinta qaar ka mid ah waddamada Islaamka ee dunida
  • In uu dib u soo celiyo sharci horey u ogolaanayay in dadkii iyaga oo carruur ah Mareykanka yimid ee aan sharciyada la hayn loo ogolaado in ay sii joogaan oo ay ka shaqeystaan gudaha Mareykanka iyo in uu mideeyo dalkan ku kala qeybsamay doorashadii uu ku soo baxay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here