Howlgal dad lagu qabqabtay oo laga Degmada Baardheere

0
461

Ciidamada Booliska ee ka howlgalla  degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay  ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo dad farabadan lagu xir xiray.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kaddib markii rag hubeysan ay xalay bartamaha degmadaasi ku dhaawaceen  Hanti dhowaraha degmada  Baardheere u qaabilsan Maamulka Jubbaland, kaas oo lagu Magacaabo Cabdi Rashiid Cabdiqaadir Warsame, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Ciidamada ayaa waxaa ay howlgalka ka sameeyeen inta badan Xaafadaha degmada Baardheere, iyaga oo xir xiray dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo la geeyay saldhiga Booliska degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dadka howlgalka lagu qabtay badi la siidayaay, hayeeshee ay jiraan weli kuwo u xiran Ciidamada booliska degmada Baardheere, balse saraakiisha ay sheegeen in baaritaan uu ku socdo.

Degmamada Baardheere ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan gobolka Gedo, wallow mararka qaar fariisinada Ciidamada ee duleedka degmada ay weerar ku qaadaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here