Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

0
413

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Jubbada dhexe, waxaana howlgalladaas dowladda Soomaaliya ay sheegtay in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada DANAB ee howlgalka hoggaaminayay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka oo ka dhacay  degaanka Caraboow oo qiyaastii 50-km ujira degmada bu’aale ee gobolka jubada dhexe lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo Magaciisa lagu sheegay Xasan Sufiyaan Qooreey).

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee lag fulinayo Gobolka Jubbada Dhexe ilaa inta Ciidamada dowladda ay kula wareegayaan degmada Bu’aale oo ah Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay inta badan howlgallo qorsheysan ka fuliyaan degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka & Shabeellaha Hoose, hayeeshee waxaa ay mararka qaar weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here