Diiwaan gelinta Musharixiinta Madaxweynaha Hirshabelle oo Maanta Lasoo Gabagabeynayo

0
131

Diiwaan gelinta musharixiinta Madaxweynaha maamulka Hirshabelle iyp ku xigeenkiisa oo soo bilaabatay shalay ayaa maanta ku eg sida ay horey u shaaciyeen guddiga doorashooyinka.

Musharixiin badan ayaa is diiwaan geliyay, halka kuwa dhimana ay maanta is diiwaan gelin doonaan.

Musharixiinta qaarkood ayaa horey u shaaciyay in ay u tartamayaan xilka madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle.

Xubnaha ugu cad cad ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

10 bishan oo Beri ku beegan ayaa la filayaa in musharixiinta madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa ay khudbad ka horjeediyaan xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi.

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa dhici doonta maalin Arbaco oo ku beegan 11 bisha November.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here