Senator Prof Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qarax uu ka badbaaday oo gaarigiisa loo dhigay, xilli uu marayay agagaarka Hotel Dayax ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lagu weeraray Gaari nooca aan xabada Karin oo uu saarnaa Senator Prof Cusmaan Maxamuud Dufle, xilli uu mrayay inta u dhaxeysa Hotel Dayax iyo Sayidka, waxaana qaraxaas ku dhaawacmay laba kamid ah ilaaladiisa.
Senator Prof Cusmaan Maxamuud Dufle waxaa uu sheegay in qaraxaasi uu ka badbaaday, hayeeshee ay ku dhaawacmeen laba kmai dh ilaaladiisa, isaga oo u mahad celiyay Alle iyo dadkii soo wacay markii ay maqleen qaraxa lala beegsaday.
Majirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyada qaraxa lala beegsaday Gaariga Senator Prof Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Xildhibaannada Aqalka Sare, hayeeshee qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa intooda badan waxaa sheegta Ururka Al-Shabaab.
Hoos Ka Akhriso Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Senator Prof Cusmaan Maxamuud Dufle
Caawa abaarihii 7:00 fiidnimo oo wax yar dhiman ayaa anigoo la socday gaarigayga waxaa uu qarax nagu qabsaday wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan inta u dhexeysa Hotel Dayax iyo Sayidka.
ILAAHAY mahadiis waan ka badbaaday, waana bad qabaa hadda, balse nasiib daro waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan ciidankii ila socday, kuwaasoo lagu daweynayo Isbitaalka Erdogan, waxaan ILAAHAY uga baryeynaa inuu caafimaad deg deg siiyo.
Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadkii igala soo xiriiray gudaha iyo dibeda ee ka xumaaday dhibaatada caawa na gaartay, isla markaana muujiyey sida ay uga xun yihiin, waxay aheyd Qadar ALLE, Waxaana ILAAHAY ka baryeynaa inuu dhibaatada ka dulqaado shacabkeena Soomaaliyeed Aamiin