Wararka ka imaanaya Degmada Warsheekhee Gobolka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Sheegaya in Caawa deegaanka Filadheere lagu Xasuuqay dad shacab ah oo haween iyo carruur ka kooban.
Wararku waxaa ay sheegayaan in koox hubeysan ay Toogasho ku dileen dadkaas oo shacab danyar ah , waxaana lasoo sheegayaa in dadka la laayay ay ahaayeen hal qoys, waxaana ay ka kooban yihiin dadka la xasuuqay Hooyo Umul,ah iyo cunug yar oo 40 maalmood dhallnaa iyo Wiil ay dhashay oo Seddex sano jir ah.
Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda falkaas gaysatay ay dhaawac u gaysteen Hooyo iyo Wiil ay dhashay, kuwaas oo wararku sheegayaan in dhaawac aad u daran uu soo gaaray.
Dad Goob joogyaal ah ayaa sheegay in dhacdadani ay la xariirto aanooyin qabiil oo dhawaanahaan degaanadaas ka taagnayd, waxaana dadka degaanku ay hadda ku warramayaan xaalad kacsanaan ah ay jirto.
Degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa tiro dhowr jeer ah ka dhacay dagaal beeledyo khasaaro badan dhaliyay, waxaana dhawaan Gobolkaas lagu Xasuuqay Culimo. iyadoo ay arrintaasi la xariirtay aanooyin qabiil.