Waqtiga Ay Dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle Oo La Shaaciyay

0
382

Guddiga Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa ayaa Maanta oo sabti ah soo saaray Jadwalka Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo maalmaha soo socda la qabanayo.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddiga Doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in Diiwaan-gelinta Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Hirshabeeelle iyo ku-xigeenkiisa ay bilaabaneyso 8-da ilaa iyo 9 bishaan November.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in Musharaxiinta Isdiiwaan-gelisa ay khudbahooda ku aadan waxa ay qaban doonaan markii la doorto ay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka u jeedin doonaa 10-ka November 2020.

Ugu dambeyn Qoraalka Guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyay in Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa ay dhici doonto 11-ka bishaan oo ku beegan maalinta Arbacada ee soo socota.

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa haatan waxaa ka socda ololihii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, waxaana Musharixiinta xilalkaas u tartamaya ay wadaan kulamo siyaasadeed.

Hoos ka Akhriso Akhriso Jadwalka Doorashada ee lasoo saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here