Madaxweyne Shariif Sheekh S oo u safray dalka Jabuuti

0
481

 

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran  Shariif Sheekh Axmed ayaa Maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, isaga oo kusii jeeda dalka Jabuuti.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan safarka Sheekh shariif ee dalka Jabuuti, waxaana uu halkaasi kula kulmi doonaa Madaxda dalkaas iyo mas’uuliyiin kale inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti.

Sheekh Shariif ayaa dalka jabuuti waxaa ay aheyd halkii lagu doortay sanadkii 2009-kii, waqtigaas oo dowladda Jabuuti ay martigelisay wada-hadaladii u dhaxeeyay Isbaheysigii ARS iyo dowladdii TFG-da oo ugu dambeyn keentay isku darka labo Baarlamaan oo Mucaaradka iyo dowladda in dowlad Midnimo Qaran la soo dhiso.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran  Shariif Sheekh Axmed ayaa dhawaan muddo laba jeer ah waxaa uu tegay Magaalada Jowhar, isaga oo kulamo looga hadlayay Arrimaha doorashoyinka Hir-Shabeelle la qaatay Madaxda Maamulka & duubabka Dhaqanka Hir-Shabeelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here