Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo War kasoo saartay Guddiyada Doorashada ee heer Federaal oo uu magcaabay Ra’iisul Waasaare Rooble.
Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu cambaareeyay Guddiyada Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka heer Federaal inay ka mid noqdeen xubno ka tirsan Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha Rayidka, iyagoona sheegay in taas ay baalmarsan shuruucda dalka u yaalla, heshiiska doorashada iyo xeerarka Baarlamaanka.
Madasha ayaa sheegtay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay qaadi doonaan mas’uuliyadda wax kasta oo keeni kara muran iyo is qabqabsi shaki geliya madax banaanida Guddiyada iyo natiijada doorashooyinka Golayaasha Baarlamaanka Federaalka.
Sidoo kale Madasha Xisbiyada ayaa caddeeysay in Xukuumadda Soomaaliya aysan wax sharciyad ah u heysan soo mahacaabida Guddiga Doorashada ee Xildhibaanada Somaliland, taasna ay gaf ku tahay metelaada dalka.
Ugu dambeyn Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uga baaqday inay ka waantooban tallaabo kasta oo dhawaaqi karta hanaanka Doorasho ee horey loogu heshiiyay.
Hoos ka Akhrsio Qoraalka