Faahfaahin Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
129

 

Faah faahino ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo goordhaweyd ka dhacay inta u dhexeeysa Isgoyska Sayidka iyo Hotelka Dayax gaar ahaan Albaabka hore ee Daacad Car Care ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa mar qura qaraxday, waxaana Jugta laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolkq Banaadir, sidoo kalena goobta ay ka baxeysay uuru cirka isku shareertay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya oo xiligaas ku sugnaa Isgoyska Sayidka oo tegay goobta ayaa xiray aaga oo dhan, iyagoona dadka iyo gaadiidka u diidaya inay maraan halkaas, waxaana ay wadaan baaritaano kala duwan.

Warar la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay gaari uu socday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn Xildhibaanka uu ahaa.

Ilaa iyo hadda lama oga khadaaraha ka dhashay qaraxaas Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in xiligii uu dhacayay goobta ay ka agdhawaayeen dad shacab ah.

Habeeno kahor ayey markii agagaarka isgoyska KM-4 ee Muqdisho qaraxaan oo kale lagula eegtay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, in kastoo uu ka badbaaday, balse dhaawac uu soo saaray qaar kamid ah Ilaaladiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here