Aqalka Sare ee baarlamanka Itoobiya ayaa ansixiyey qaraar dawladda federaalka ah u fasaxaya in ay xukuumad ku meel gaadh ahu dhisto gobolka woqooyiga dalkaas ku yaal ee Tigray.
Fadhi deg deg ah oo uu ku yeeshay magaalada Addis Ababa, ayaa Aqalka Sare ku ansixiyey qaraarkaas iyada oo aanay ilaa haatan muuqan in xiisadda ka taagan gobolkaasi degayso.
Jimcihii ayaa ra’isal wasaaraha dalka, Abiy Ahmed, sheegay in milatariga dalku qaaday weerarro cirka ah oo uu ku burburiyey xarumaha saanaddu u taal maamulka gobolka, waxaanu sheegay in weerarro kale la qaadi doono.
Xukuumadda Abiy ayaa ku eedaysay xoogaga gobolkaas ee u daacadda ah xisbiga TPLF ee talada gobolka hayey tan iyo horaantii sagaashamaadkii, in ay weerarro ku qaadeen saldhig milatari oo gobolkaa ku yaal iyo sidoo kale goobo ka tirsan gobolka la deriska ah ee Amhara.
“Duqeyntii diyaaradaha waa la fuliyey welina wey socotaa, duqeymahaasina waxaa loo fuliyey si loo wiiqo awoodda cadowga. Meelo ka mid ah deegaanka Tigray gaar ahaanna agagaaraha magaalada Maqale waxaa ku kaydsan gantaalo aad u badan gantaladaasi oo ay riddadoodu gaadhi karto 300 oo km, markaa si aanay kooxdan fallagada ahi ay u isticmaalin, annaga oo ka duuleyno xogaha naga soo gaadhay Maqale ee ahaa iney tijaabo wadaan ay gantaalladaasi u isticmaalaan, ayaanu si aan waxyeellada ka iman karata uga hortagno waxaan gabi ahaanba burburinnay raadarradii iyo gantaalaha riddada dheer ee halkaasi ku keydsanaa, balse duqeymaha dhinaca cirka ee la fuliyey ma ahayn kuwo lagu beegsaday goobo shacab.” Ayuu yidhi ra’isal wasaare Abiy oo ka hadalay amarkii uu ku bixiyey in la duqeeyo goobo ku yaal gobolka Tigray.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in howlgalka milateri ee laga bilaabay gobolka Tigray looga gol leeyahay in lagu soo af-jaro “isla xisaabtan la’aanta ka jirta gobalkaas”.
Abiy Ahmed waxa kale oo uu intaa ku daray in ay ma huraan tahay in hogaamiyaasha siyaasadeed ee gobolkaa maxkamad la soo taago oo lagula xisaabtamo “xasilooni darrada ay halkaa ka abuureen.”