Hay’adda INTERSOS oo 28 sano kadib joojineysa howlihii ay ka waday Soomaaliya

0
427

 

 

Hay’adda INTERSOS oo ah hay’ad ka shaqeysa arrimaha samafalka ayaa hakineysa howlihii ay ka waday dalka Soomaaliya, ka dib 28 sano oo ay ka shaqeynaysay gudaha Soomaaliya.

Agaasimaha hay’adda INTERSOS, Kostas Moschochoritis ayaa sheegay inay u joojinayaan howlaha samafalka ee dalka Soomaaliya sababo la xiriira nabadgelyada iyo amniga shaqaaalaheeda Soomaaliya iyo bulshada ay u adeegto.

“Waxaan ku jirnaa wada hadalo ku saabsan in aan sii wadno wax qabadyadeena suurtagalka ah si loo yareeyo nusqaanta ku imaan karta adeegyada loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee nugul,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda.

Isbitaalka ugu weyn ee gobolka Sh/dhexe oo ku yaal magaalada Jowhar ayay hay’ada Intersos gacanta ku haysay tan iyo sanadkii 1992dii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here