Shir Maalintii Saddexaad ka socda Muqdisho, xilli wadooyinka loo xiray

0
473

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay Banbaxa Golaha Wasiirrada oo galay maalintii 3aad, iyada oo lagu wado in gelinka dambe ee Maanta las oo geba-gabeeyo.

Shirka ayaa Ajandeyaasha maanta looga hadlayo waxaa ka mid ah: Qorshaha 100-ka maalmood iyo Saxiixa Axdi Howleedka Wasiirrada & Ra’iisul Wasaaraha.

Saddexda maalmood ee uu shirka socdo ayaa waxaa Shacabka Magaalada muqdisho laga xiray wadooyinka ugu muhiimsan Caasimadda, waxaana lagu arkayaa wadooyinka Shacabka oo si raxan raxan ah u lugeynaya.

Ciidamada Dowladda Somaaliya ayaa gaadiidka noocyadiisa kala duwan Maalintii saddexaad oo xiriir ah waxaa ay u  diidayaan inay maraan Isgoysyada ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho, waxaana arrintaasi walaac ka muujiyay Shacabka Magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here