Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay doorashada Baarlamaanka Hirshabeelle

0
81

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumada Federaalka Soomaliya waxa ay u hamablyo u dirtay Guddoonka Cusub ee ay doorteen Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyo iyo Bogaadin u diraysaa Guddigii Qabanqaabada Doorashada Gudoonka Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle, hay’adaha amniga oo suuragaliyey habsamida nabaddgalyada Doorashada iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ugu dambayntii, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxa ay ku dhiirrigelinaysaa Guddoonka Cusub ee Baarlamanka in ay dhameystiraan inta ka dhiman hannaanka doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here