Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo saartay War Saxaafadeed lagu dalbanayo in la ilaaliyo xuquuqda Xildhibaannada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee loo yaqaano Soomaaliland u leeyihiin in si xor ah oo loogu doorto Magaalada Muqdisho.
Qoraalka Madasha ayaa waxaa lagu taliyay in Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi looga dambeeyo magacaabidda Guddiyada loo xil saarayo maamulka Doorashada Mudanayaasha ka soo jeeda G/Waqooyi, maadaama uu yahay masuulka ugu sarreeyo ee la doortay kana soo jeeda Somaliland.
Shalay qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare lagu sheegay in uu xaq u leeyahay Magacaabidda Guddiyada ka Shaqeynaya doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal kasoo galaya Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.