Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka oo soo dhaweysay xildhibaanada 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle

0
374

 

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa soo saartay qoraal ay ku soo dhoweyneyso soo Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Qoraalka ayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyaynaysaa Baarlamaanka labaad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka labaad ee Hirshabeelle.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxa ay ku dhiirrigelinaysaa Guddiga Doorashada ee Baarlamanka in ay dhameystiraan inta ka dhiman hannaanka doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here