Mashruuca Wadada Afgooye waxaa uu u socdaa si aad u xowli ah, sawirada laga qaaday jawiga waxaa ay muujineysaan baaxada Mashruuca, waxaa ay dhamaan doontaa shaqada Wadada 60 maalmood gudahood. Wadadan oo muhim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho iyo Koofurta dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada beeraha caanka ku ah ee Afgooye.
Qaab dhismeedka laamiga cusub ee la saarayo wadadaasi ayaa ah labo laami,oo loogu talagalay gawaarida soo socda ama kuwa sii socda ay isaga gudbaaan si fudud.
Mashaariicdaasi ayaa dhanka kale fursad shaqo abuur u ah dhalinyarada Soomaaliyeed,iyadoo dalka horumarkiisa ay qeyb weyn ka tahay.