Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ayax raxan raxan u socda uu soo gaaray maanta magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.
Xaafado ka mid ah magaalada Jowhar ayaa lagu arkay ayaxan isagoo raxan raxan u socda waxaana wadooyinka magaalada jowhar isugu soo baxay dadweyne faro badan oo doonaya inay arkaan ayax.
Deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa waxa soo gaaray ayax iyadoo degmooyinka Aadan Yabaal,Ruun nirgood uu ayaxan hore u soo maray.