Maxkamada Nairobi oo xabsi adag ku ridey rag Ku eedeysnaa Weerarkii Westgate

0
413

 

Garsooraha maxkamad ku taal dalka Kenya ayaa ku xukuntay labo ruux xabsi dheer oo 18 sano iyo 33 sano ah kadib markii lagu helay inay gacan ka geysteen weerarkii lagu qaaday Xaruntii ganacsiga ee Westgate sanadkii 2013. Maxamed Axmed Cabdi ayay maxkamadu ku xukuntay 33 sano halka Xuseen Xasan Mustafa ay maxkamadu garka u gelisay 18 sano oo xarig ah.

Ugu yaraan 67 ruux ayaa ku geeriyotay weerarkan ay Alshabaab ku qaadeen Westgate.
Xukuumada Kenya ayaa sheegtay in afar ruux ee weerarka soo qaaday laga helay meydkooda burburka xarunta Westgate.

Nin saddexaad oo lagu waayay dambiga Liibaan Cabdulaahi ayaa la sii daayay kadib markii dambi lagu waayay hase yeeshee tan iyo markii laga sii daayay xabsiga ayaa rag hubeysan ay qafaasheen iyadoo illaa iyo hadda la la’ yahay halka uu ku dambeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here