Xasan Sheekh oo Kubaaqay Midnimo Iyo Xasilooni

0
405

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka (UPD) Xassan Sheekh Maxamuud oo maalmahan booqasho ku jooga dalka Masar ayaa muxaadaro ku saabsaneyd kaalinta Soomaaliya ee xasilloonida Geeska Afrika wuxuu ka jeediyay xarunta “Al Ahram” ee dalkaasi, isagoona tilmaamay in xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

“Taariikhdu waxay na bareysaa sida aysan suurtagal u ahayn in aan helno xasilloonida gobolka innaga oo aan heynin xasilloonida Soomaaliya, sidoo kalena dhammaan fikradaha is dhexgelka iyo iskaashiga Geeska Afrikana lama xaqiijin karo iyada oo aan la helin iskaashi siman oo dhex mara dowladdaha Geeska Afrika” ayuu yiri Xassan Sheikh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu u gudbo dalka Tanzania, halkaas oo ay degan yihiin qaar kamid ah Qoyskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here