Qaramada Midoobay oo dambi ku weysay Taliye Saadaq Joon

0
794

 

 

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa shaaciyay in wax dambi oo ku saabsan inuu la leeyahay xiriir Al-Shabaab lagu waayey Taliyaha ciidamada Boolsika gobolka Banaadir Jeneral Saadaq Cumar Maxamed. General Saadaq Cumar oo loo yaqaan Saadaq John ayaa Kooxdii hore ee QM u qaabilsaneyd kormeerka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea (Somalia-Eritrea UN Monitoring Group) ku eedeeysey inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab.

Hase yeeshee, kulan xalay uu Golaha Ammaanka QM ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya, ayaa safiirka Belgium ahna guddoomiyaha Guddiga Cunaqabateenada QM Philippe Kridelka, waxa uu ku sheegay in kadib dib u eegis lagu sameeyey warbixinadii ay soo gudbiyeen kooxdii UN Monitoring Group la waayey wax caddeymo ah oo muujinaya in Jeneral Saadaq uu ku xiran yahay Al-Shabaab.

“Waxaan jeclahay inaan idinku wergeliyo in Guddiga Khubarada QM ay caddeeyeen, kadib dib u eegis ku sameeyeen warbixin ay soo gudbiyeen kooxdii ka horreysay ee UN Monitoring Group ee ku saabsan Jeneral Saadaq Cumar Maxamed, in la waayey wax caddeymo ah oo muujinaya in Jeneral Saadaq uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab, islamarkaana guddiga aysan hadda wax baaris ah ku hayn Jeneral Saadaq,” ayuu yiri Philippe Kridelka.

“Waa mowqifkeena joogtada ah in cunaqabteenada noqdaan kuwa aan laga lahayn ujeedo gaar ah. Talalabo kasta oo guddiga ay qaadaan waa in looga dan leeyahay joogteynta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, kana fogaadan saameyn kasta oo xun oo ay ku yeelan karto horumarka nolosha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed. Codsiyada sharciga ah ee ay sameeyaan Soomaalida waa in la siiyaan dareenka iyo tixgelinta ay mudan yihiin. Waxaan soo dhoweeneynaa sharaxaadda lagu sameeyey eedeymaha ka dhanka ah Jeneral Saadaq Cumar Maxamed, taliyaha ciidamada booliska gobalka Banaadir.”ayuu ku sheegay qoraal uu soo saaray Safiirka Shiinaha ee Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya iyo qareeno matalayey Jeneral Saadaq ayaa muddo waday dagaal sharciyeed ka dhan ah eedeymaha aan salka laheyn ee ay usoo jeediyeen Kooxdii la beddelay ee UN Monitoring Group, taasi oo ugu dambeyn laga guuleystay.

Arrintan ayaa muujineysa in Soomaalida ay leeyihiin awood iyo habab ay uga jawaabi karaan ugana dhiidhin karaan eedeymaha aan caddeymaha loo hayn ee uga yimaada hay’adaha iyo ururada caalamiga ah, oo aysan ahayn inay iska aamusaan oo ay iska aqbalaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here