Maanta waxaa gaaray degaanka Saaxo oo ka tirsan Gobolka Mudug Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo ay wehliyaan ciidamo kala duwan ka koobnaa kuwa qaabilsan Amniga guud ee Deegaanada Galmudug.
Masuuliyiinta iyo ciidamadaan ayaa u tegay degamda Saaxo si ay gacanta ugu soo dhigaan kooxo kubaysan oo weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ka fuliyay maalinimadii shalay Degmada Caabudwaaq, kuwaas oo la sheegay inay u baxsadeen dhinaca degaanka Saaxo
Maamulka Magaalada Saaxo ayaa waxaa la sheegay inay xariir la sameeyeen Masuuliyiinta Galmudug iyo laamaha Amaanka, iyaga oo u sheegay inay soo gaareen Degaanka Kooxahii weerarka dhimashada lahaa ka gaystay Caabudwaaq.
Ilo dadka degaanka ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Maamulka degaanka Saaxo ay u sheegeen masuuliyiinta ka socotay Galmudug in xilligaan suurtagal aheyn in ay qaadaan hawlgalka ay ku baadi goobayaan kooxada dambiilayaasha ahaa oo la sheegay in markaas ay joogeen Gudaha Degmada Saaxo.
Wafdiga gaaray Saaxo oo uu Hogaaminayay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dib u heshisiinta Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayel) oo ka koobnaa wasiirro iyo Xildhibaano iyo ciidamada Qaranka Qaybahooda kala duwan ayaa dib ogaa soo baxay Degmada Saaxo maanta waxayna ku soo laabteen Magaalada Galinsoor oo hadda ay joogaan.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan inay socaan xariiro kala duwan oo u dhaxeeya Madaxda Puntland iyo Galmudug si ay isaga kaashadaan xaslinta Amniga iyo soo qabashada Gacan ku dhiiglayaasha.
Wararka la helay ayaa sidoo kale sheegaya inay Mas’uuliyiinta Puntland degaanka Saaxo ee gobolka Mudug u direen ciidamo qayb ka qaata Hawlgalka, kaasi oo ay sheegeen inay ku gacan siin doonaan Ciidamada Qaranka ee ka hawlgala deegaanada Galmudug.