Taliyayaasha Ciidamada Milatariga iyo Booliska oo ku sugan Galmudug

0
479

 

Taliyaha Ciidanka Dalka Xooga Soomaaliya Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug. Booqashada General Odowaa ee magaalada Dhuusamareeb ayaa la xiriirta sidii dib u habayn loogu sameyn lahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo weliba sidii looga bilaabi lahaa howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab deegaanada Galmudug.

Sidoo kale Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa kusugan Galmudug waxana uu maanta gaaray magaalada Cadaado.

Taliye Xijaar ayaa shalay safar dhanka dhulka ku gaaray Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, isagoo safarkiisa yahay mid la xiriira amniga deegaanada Maamulka Galmudug iyo sahan ku aadan amniga Doorashada 202/2021.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here