Mas’uul ka tirsan Somaliland oo laga helay COVID-19

0
439

Kaddib baaritaan lagu sameeyay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Soomaaliland ayaa waxaa la sheegay in lag helay Cudurka safmareenka ah ee Cornavirus.

Guddoomiye Farxaan Aadan Heybe oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku xaqiijiyay in laga helay Cudurka Coronavirus, isla markaana xaaladiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan, waxaana uu ku baaqay in qof walba uu isbaaro.

Shalay ayaan waxoogaa qufac ah yeeshay si aan isu hubiyo caafimaadkayga iyo taxadir badbaado dadka kale ah u sameeyo, Baadhis la xidhiidhi Covid-19 ayaan sameeyay ilaa shalay iyo maanta oo baadhista natiijada aan sugayay guriga kama bixin. Imika ayaa la ii soo sheegay natiijada in aan positive ahay. Ayuu yiri”

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray gudoomiyaha” Alxamdulilah wax culays ah ama isbadal ah xataa xumad ma yeelan keliya qufac kooban mooyee, markaa muhiim ayay u tahay qof kastaa inuu is baadho si uu u xaqiijiyo caafimaadkiisa iyo waajibka ka saaran caafimaadka intuu jecel yahay iyo bulshadiisa guud ahaan si aynu uga qayb noqono xakamaynta cudurka safmarka ee Coronavirus. Sida dhakhtaradu ku taliyeen 14 cisho Hadii Allah ogolaado waa waajib in aan guriga fadhiyo isna takooro.

Dhawaan ayay aheyd markii Cudurka Coronavirus laga helay nGudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Cabdiraxmaan Cirro, kaas oo haatan ku jira xaalada karantiil ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here