Ciidama isugu jira kuwa booliska ee Haramcad, Qaybta 21,aad ee Millateriga Xoogga iyo Booliska qaabilsan Amniga Deegaanka guud ee Galmudug ayaa gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Ciidamadaas ayaa degmada u tefay sidii ay gacan oga geysan lahaayeen Sugida amniga degmada ka dib markii rasaas ay fureen kooxo hubaysan ay sababtay geerida labo Ruux iyo dhawaaca Qof Dumar ah.
Dhinaca kale waxaa magalada Cabudwaaq gaaray wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta galmudug Cabdi Jaamac Waayeel iyo Xubno isugu jiro Wasiiro iyo Xildhibaano.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in kulan albaabada u xiran yihiin la leeyihiin Xubnaha Wafdiga laamaha kala duwan ee amniga iyo hogaanka Dhaqanka si amniga deegaanka looga wada shaqeeyo.