Taliye ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa sharraxaad ka
bixiyay sida “uu lacag ugu diray al-Shabaab, waliba isagoo dagaal kula jira kooxdaas”.
Askarigan wuxuu sheegay in nin gurigiisa u dhisayay uu joojiyay shaqada dhismaha, uuna isaga tagay kaddib markii taliyaha uu diiday inuu bixiyo lacagta ay rabto kooxda mayalka adag.
Gaadiidkii qalabka dhismaha usoo qaadayay ayaa sidoo kale shaqadii joojiyay, maadaama iyaga laftooda laga dalbaday inay lacago bixiyaan.
“Ugu dambeyn waxaan ku khasbanaaday inaan iska dhaafo dhismaha guriga ama aan lacagta siiyo Al-Shabaab,” ayuu yidhi taliyaha.
“Waxaan ka qoomameynayaa inaan siiyay lacag dhan $3,600 (£2,750), sidaas ayaana lagu dhammeystiray dhismihii aan rabay,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Warbixinta lagu soo qaatay qisada taliyahan ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda jihaad doonka ah ay si gaar ah isha ugu hayaan mar walbana ula socdaan dhismeyaasha guryaha, si la mid ah sida ay ula socdaan badeecooyinka lasoo dhoofiyo ee ay canshuurta ka qaataan.
Xigasho BBC