War Deg-deg ah; Saxafiyiinta oo goor dhow looga yeeray Madaxtoyada Hirshabelle

0
414

 

 

Waxaa goor dhow loo yeeray qaar ka mid ah weriyaasha ku sugan magaalada Jowhar iyadoo lagu wado in guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee Hirshabelle goor dhow ay ku dhowaaqaan xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.

Xubnaha xildhibaanada ee lagu wado in lagu dhowaaqo ayaa tiradoodu gaareyso illaa toddobaatan xildhibaan, waxaana xildhibaanada ay isugu jiraan kuwii hore iyo kuwo cusub.

Ku dhowaaqista liiskan ayaa waxa uu dib u dhac ku yimid gelinkii dambe ee manta oo lagu waday in lagu dhowaaqo,balse uu dib u dhac ku yimid.

Goor dhow kala soco shabakada warbaahinta allbalcad.net liiska xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here