Wasiirka Maaliyadda XFS oo Golaha Wasiirada u gudbiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka

0
400

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Golaha Wasiirada Cusub u gudbiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka

Kulan ay yeesheen Maanta Golaha Wasiirada oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka ayaa waxaa Wasiir Beyle uu Golaha Wasiirada la wadaagay faah faahinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka oo hada diyaarinteedu ay gabo-gabo tahay sida uu sheegay Wasiir Beyle.

Maanta waxa aan Wasiirada Cusub ee Xukumadda la wadaagnay faahfaahinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka oo hada diyaarinteedu ay gabo-gabo tahay, Muhiimadda kulankeenuna waxa uu ahaa sidii aan isaga kaashan laheyn dar-dargalinta iyo sare uqaadidda Dakhliga Gudaha Dalka ayuu yiri” Wasiirka

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa u mahad celiyay Wasiiradii fikir iyo talaba nala wadaagay intii uu kulanak socday iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here