Ciidamada Booliska Soomaaliland ee Magaalada Burco ayaa Caawa waxaa ay xabsiga dhigeen Fanaanka Caanka ah ee Qamar Suugaani, kaas oo halkaasi gaaray.
Fanaanka ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa uu ku sugnaa Magaalada muqdisho, isaga oo bandhigo dhowr ah ku qabtay, hayeeshee la xiray xilli socdaal dhinaca dhulka ah uu kaga tegay Magaalada Garoowe ee Puntland.
Laamaha Amniga Soomaliland weli wax faah faahin ah kama bixin sababaha ay u xireen Fanaanka Qamar Suugaani, hayeeshee Soomaaliland ayaa inta badan xirta dadka ka taga Magaalada muqdisho, iyada oo dhawaan ay xireen Bilaal Bulshaawi oo Caanka ah barta Bulshada ee Tiktok.