Xildhibaan Maareeye oo eedayn ku billaabay Xukuumadda RW Rooble

0
428

Wasiirka hore ee  Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  aaya eedeyn  kulul waxaa uu u jeediyay  Wasiirro katirsan Xukuumada  Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xog-hayntiisa in ay faro galin ku billaabeen xulista guddiyada doorashooyinka wakiiladda Somaliland.

Wasiir Maareeyee oo soo saaray qoraal uu ku faah faahinayay kulan dhex-maray Guddoomiyaha Aqalka Sare & xubnaha dowladda Federaalka ku matala Soomaaliland ayaa sheegay in wasiiro ka tirsan Xukuumadda RW Rooble iyo Madax ka tirsan Villa Somalia ay isku dayayaan inay faragelin ku sameeyaan doorashada Xildhibaannada  Gobolada Waqooyi.

Waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay Maareeya oo ka tirsan  guddi loo magacaabay qaban qaabada doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi in mid waliba oo ka tirsan xukuumadda Ra’iisul Wasaare roble uu wato liis u gaar ah uu ku saabsan magacaabidda guddiyada doorashooyinka wakiiladda Soomaaliland.

Eedeyntaan uu Madaxda Villa Soomaaliya iyo xubno kamid ah golaha Wasiirada uu u jeediyay Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye   ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli uu kasoo dhex muuqan waayay Golaha Wasiirada uu dhawaan Magacaabay RW Rooble ee shalay codka kalsoonida la siiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here