Weerar ka dhacay Gobolka Baay & khasaaro ka dhashay

0
421

Weerarkaan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay, waxaana dhacay dagaal dhex-maray Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab.

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku bilaawday qaraxyo ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Qansax-dheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo saacado ah socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana Xaafadaha qaar ee degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay kusoo dhacday rasaas farabadan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaasi ku dileen sarkaal lagu magacaabi jiray Cali Mad Yeeroow halka ay dhaawaceen ugu yaraan Saddex sarkaal oo kale, hayeeshee aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda & kuwa Koonfur Galbeed ay duleedka degmadaasi ka wadaan howlgallo kala duwan,isla markaana xaalada ay tahay mid degan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here