SAWIRO:- Ciidamada Amniga Jubaland oo howlgal kusoo saaray Miinooyin

0
519

 

Ciidamada Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee qeybta ka howlgasha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray miinooyin  dhowr ah oo la sheegay inay Aaseen  Xubno ka tirsan Ururka dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada ayaa la sheegay inay miinooyinka kasoo saareen wadada dheer ee isku-xirta deegaannada Gosha ee gobolka Jubbada hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada NISA ee ka howlgalla degaannada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu yahay mid weli ka socda degaannada jubbaland ilaa iyo inta ay miinooyinka ka saarayaan.

Saraakiisha ma sheegin in howlgalkaas Miino barista ahaa ay dad ku qabteen, hayeeshee ay soo bandhigeen miinooyinka halka qaarkood ay qarxiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here