Maamulka Hir-Shabeelle oo Gudbiyay Xubnaha ku matalaya Guddiga doorashooyinka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-habelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Xubnihii Maamulka Hir-Shabeelle ku matali lahaa Guddiyada Doorashada iyo xalinta khilaafaadka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed.
Xubnaha Madaxweyne Waare gudbiyay oo Afar ah ayaa waxaa ay kala yihiin, Cabdi Naasir Maxamed Guuleed & Maxamed Maxamuud Caddo woo Hir-Shabeelle ku matalaya Guddiga hirgelinta doorashada dadbadan, Farxiyo Xasan Cusmaan & Liibaan Cismaan Nuur oo ku matalaya Guddiga xalinta khilaafaadka.
Qoraal kasoo baxay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa lagu sheegay in in Xubnahaan ay gudbiyeen ay ka dambeeysay, kaddib heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii Bishii December & inay Hir-Shabeelle door ku yeelato howlaha doorashooyinka ee dalka ka socda.
Horay ayaa waxaa Xubnaha ku matalaya guddiyada Doorashooyinka & xalinta khilaafaadka u gudbiyay Maamulada, koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland & Jubbaland, halka Maamulka ugu dambeeyay ee Hir-Shabeelle uu gudbiyay.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraga Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble uu wareegto ku soo saaro Xubnaha Guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka ee Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed, kuwaas oo hagi doona arrimaha doorashooyinka dalka.