Trump oo Shaaciyay in Dalalka Sudan iyo Israel ay xiriir diblumaasi sameysten

0
399

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay in Sudan iyo Israel ay oggolaadeen inay caadi ka dhigtaan xiriirkooda. Trump ayaa la hadlay hogaamiyaasha Israel iyo Sudan kahor inta aysan ku dhowaaqin inay xiriirkooda diblumaasi sameysanayaan.s

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale rajo ka muujiyay in Falastiiniyiinta iyo Sacudi Carabiya ay bilaha soo socda sameysan doonaan xiriir diblumaasi.

Dalka Sudan ayaa noqonaya wadankii saddexaad oo ka mid ah dalalka Islaamka oo la sameysta xiriir diblumaasi dalka Israel sanadkan.

Wadamada Imaaraadka Carabta iyo baxreyn ayaa hore ugu  dhowaaqay inay caadi ka dhigayaan xiriirka dalka Israel. Hase yeeshee mas’uul u hadlay Maamulka Falastiin ayaa ku tilmaamay tallaabadan ay qaaday dowlada Sudan inay tahay Mindi dhabarka laga geliyay shacabka Falastiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here