Puntland oo Gobolka Sanaag ka furtay Xarun lagu baaro COVID-19

0
72

Wasaaradda caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa magaalada Baran ee Gobolka Sanaag ka furtay xaruntii 4aad ee lagu baarayo xanuunka Covid19.

Wasaaradda oo ka shaqanaysay sidii loo balaarin lahaa loona gaarsiin lahaa inta badan gobolada Puntland xarumaha shaybaarka ee lagu baaro Covid19 ayaa magaalada Baran ee Gobolka Sanaag ka dhigtay midii 4aad ee laga furo.

Shaybaarkaan ayaa waxaa xanuunka looga baari doonaa dadka ku nool gobolada Sanaag iyo Haylaan. Waxaana uu meesha ka saari doonaa in dadka ku nool goboladaasi ay baaritaano usoo doontaan gobolada uu ka furanyahay.

Shaybaarkaan ayaa noqonaya kii 4aad ee laga furo deegaanada Puntland iyadoo ay horay uga furnaayeen Gobolada Nugaal, Bari iyo Mudug, waxaana wasaaraddu qorshaynaysaa in gobolada kalena laga furo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here