Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda Galmudug oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada.
Kulanka ayaa lagu ansixiyey shuruucda kala ah:- Sharciga Shaqaalaha Rayidka, sharciga Nidaaminta iyo Naqshadeynta Magaaloyinka Galmudug, Sharciga Daqliga Gudaha, oo ay soo gudbiyeen Wasaarada kala ah;
Shaqadda iyo Arrimaha bulshadda, Hawlaha Guud& Guryeynta, iyo Maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale.
Sidoo kale, sharciga Dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka ayaa maray Aqrintii koobaad. Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa madaxweynaha ku wehlinayey kulanka.