Dagaal dhex-maray Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab

0
154

 

Dagaalka ayaa waxaa uu Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya iyo Xubno kamid ah dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab uu ku dhex-maray degaanka labi-duli oo ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda gaar ahaan qaybta 21aad ay saaka weerar xoog leh ku qaadeen fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka labi dule, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo geystay khasaaro kala duwan.

Saraakiil katirsan guutada 15aad ee Taliska Qaybta 21aad ayaa sheegay in dagaalka uu sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeysa deegaanada sinadhaqo iyo labi dulle ee katirsan Gobolka Galgaduud.

Dadka degaannada lagu dagaalamay ku sugan ayaa waxaa ay sheegeen in xaalada ay haatan tahay mid degan, isla markaana ay arleen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here