Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 21-Oct-2020 ka Daahfurtay Magaalada Muqdusho kulan wadatashi ku Saabsan Abuurista Xarun Macluumaad (Resource Centre) Arrimaha Dhab-u-heshiinta iyo Federaalka.
Kulankaan oo socon doono muddo laba maalmood ah ayaa lagu falanqeyn doonaa sida ugu haboon ee loo unki karo Xarun lagu kaydiyo laguna fidiyo aqoonta , macluumaadka iyo khibradda la xiriirta arrimaha Nabadda, Dhab-u-heshiinta iyo Federaalka, İyadoo laga tala galinaayo Khubarada, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo hay’adaha waayo-aragnimada u leh arimaha nabadda iyo dowladnimada.